Arsenal ayaa la dheelaysa kooxda reer England ee Crystal Palace, kulan ka tirsan Premier League.
Gunners ayaa sadexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, badisay kaliya 1 kulan, labada kulan ee kalana waxay gashay barbarao, taas oo macnaheedu yahag inay lumisay 4 dhibcood, oo ay kaalin kuwada jiri lahaayeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Chelsea.
Arsenal ayaa xiliciyaareedkan aan muujin wacdarihii laga filaayey, iyada oo ay Manchester City wali aanay kusok noqom foomkeedi lagu yaqiinay.
Gunners ayaa hadii ay guul soo hoyso ka danbayn doonta 1 dhibcood kooxda ku jirta kaalinta 2aad ee Premier League ee Chelsea.
Shaxda lafilaayo inau ku dheesho Arsenal;
Raya, Timber, Saliba, Gabriel, Myles Lewis-skelly. Rice, Thomas Partey, Odegaard. Gabriel Martinelli, Jesus, Saka.
0 Comments