Manchester City iyo Juventus ayaa wada dheelay kulan ka tirsana Champions League, taas oo la dheelay lugtii lixaad ee group-yada.
Manchester City ayaa xiliciyaareedkan ku jirta wakhti aad u adag, kaas oo ay dhibaatoonayso haday tahay Premier League iyo Champions League.
Pep Guardiola ayaa u muuqada mid bilowgii xilli ciyaareedkan is dhiibay kaas oo ciyaartoygiisi lahaa kalsoonida ama kubada u maamuli jiray uu ku maqan yahay dhaawac xiliciyaareedka oo dhan ah.
Kulanka xalay ayaa ku bilowday mid ay kubada maamulayso Man City, xaga Juventus ay xidhatay daafaca si aan looga dhalin gool.
Juventus iyo City ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro taas oo ay kubada maamulaysay City xaga ay Juventus ay daafaca ku jirtay.
Juventus oo la soo noqotay sardar ay gool ku doonayso ayaa Daqiiqadi 53-aad ee ciyaarta gool dhalisay iyada oo uu u dhaliyey Vlahovic kàas oo ciyaarta hogaankeda u dhiibay kooxdisa.
Markale ayaa ay Juventus ku dartay gool 2aad o u u dhaliyey Mckennie kaa soo dhaliyey daqiiqadi 75-- ee ciyaarta.
Juventus ayaa 2/0 kaga adkaatay kooxda reer England ee Man City.
0 Comments