Kulankii dhexmaray Atletico Bilbao iyo As Roma. kastaba ha ahaatee, kooxda Athletic Bilbao ayaa 3-1 kaga badisay AS Roma kulan ka tirsanaa lugta labaad ee wareegga 16-ka Europa League, taasoo keentay in Bilbao ay ku soo baxdo wareegga siddeed dhammaadka tartanka iyagoo guul 4-3 ah ku gaaray labada lugood.
Kulankaas, Nico Williams ayaa labo gool u dhaliyay Bilbao, halka Yuri Berchiche uu ku daray goolka saddexaad. Roma ayaa ciyaarta ku sii socotay iyadoo 10 ciyaartoy ah kadib markii Mats Hummels la siiyay kaarka cas daqiiqadii 11-aad. Leandro Paredes ayaa dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay Roma gool rigoore ah, laakiin waxay ku guuldarreysteen inay iska soo gudbaan.
Guushan ayaa Bilbao u xaqiijisay booskeeda wareegga siddeed dhammaadka Europa League, halkaasoo ay la ciyaari doonaan kooxda soo baxda kulanka u dhexeeya Rangers iyo Fenerbahçe. Waxaa sidoo kale xusid mudan in finalka Europa League ee xilli ciyaareedkan lagu qaban doono magaalada Bilbao.
0 Comments