Bayern Munich ayaa guul muhiim ah ka gaartay Bayer Leverkusen kulankii lugta hore ee wareega 16-ka Champions League, iyagoo ku adkaaday 3-0. Harry Kane ayaa dhaliyay labo gool, halka Jamal Musiala uu dhaliyay goolka kale ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha hore ee Manchester United, Matej Kovar, kaasoo si khaldan u qabtay kubbad uu soo qaaday Joshua Kimmich.
Tababaraha Leverkusen, Xabi Alonso, ayaa qirtay in kooxdiisu ay u baahan tahay "mucjiso" si ay ugu soo baxdo wareega xiga, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee ay guuldarro ka soo gaadho Bayern tan iyo markii uu qabtay xilka bishii Oktoobar 2022.
Kulanka lugta labaad ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka BayArena, halkaas oo Leverkusen ay isku dayi doonto inay ka soo kabato guuldarradan culus.
0 Comments