LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Manchester United oo guusheedi 2aad ka gaadhay Leicester City.

Manchester United waxay guul muhiim ah ka gaartay Leicester City kulan ka dhacay King Power Stadium, iyagoo ku adkaaday 3-0. Goolasha waxaa dhaliyay                      (daqiiqadii 28-aad), Rasmus Højlund   (daqiiqadii 67-aad), Alejandro Garnacho (daqiiqadii 90-aad). Iyo Bruno Fernandes 

Kulanka waxaa sidoo kale ka dhacay dhaawac halis ah oo soo gaaray daafaca da'da yar ee Manchester United, Ayden Heaven, kaasoo garoonka laga saaray isagoo bareelo saaran kadib markii uu ku dhaawacmay isku dhac uu la galay Patson Daka.

Guushan waxay Manchester United u suurtagelisay inay kor ugu kacaan kaalinta 13-aad ee horyaalka Premier League, halka Leicester City ay weli ku jiraan kaalinta 19-aad, iyagoo wajahaya halis weyn oo degitaanka.

Waxaa xusid mudan in Leicester City ay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee taariikhda horyaalka Ingiriiska ee guuldarro la kulanta todobo kulan oo xiriir ah garoonkooda iyagoo aan wax gool ah dhalin, taasoo muujineysa dhibaatada ay ku jiraan xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, wuxuu muujiyay kalsooni kadib kulanka, isagoo sheegay in kooxda ay horumar sameyneyso isla markaana uu rajeynayo inay sii wadaan guulaha.

Dhanka kale, Leicester City waxay la tacaaleysaa dhibaatooyin badan, inkastoo tababare Ruud van Nistelrooy uu isku dayayo inuu kooxda ka badbaadiyo degitaanka, haddana xaaladda waxay u muuqataa mid adag.

Ciyaarta ayaa muujisay farqiga u dhexeeya labada kooxood xilli ciyaareedkan, iyadoo Manchester United ay rajeyneyso inay sii wado horumarka, halka Leicester City ay u baahan tahay inay si degdeg ah u hagaajiso qaab ciyaareedkeeda si ay uga fogaato degitaanka.


Post a Comment

0 Comments