LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

PSG oo hogaanka ku qabatay 19 dhibcood, iyada oo ay u hadhsan yihiin 8kulan

 

Paris Saint-Germain (PSG) waxay sii xoojisay hoggaamintooda horyaalka Ligue 1 kadib markii ay 3-1 kaga adkaadeen Olympique de Marseille kulan ka dhacay Parc des Princes.

Goolasha Ciyaarta:

PSG:

Ousmane Dembélé (daqiiqadii 17-aad)

Nuno Mendes (daqiiqadii 45-aad)

Gool uu iska dhaliyay Pol Lirola (daqiiqadii 76-aad)

lMarseille

Amine Gouiri (daqiiqadii 48-aad)Marseille:

Guushan ayaa PSG siisay 68 dhibcood, iyagoo 19 dhibcood ka sarreeya Marseille oo kaalinta labaad ku jirta, iyadoo 8 kulan ay ka harsan yihiin xilli ciyaareedka.

Tababaraha PSG, Luis Enrique, ayaa sheegay in kooxda ay hiigsaneyso inay ku guuleysato dhammaan koobabka la tartamayo, isagoo tilmaamay in yoolkoodu yahay inay farxad geliyaan taageerayaasha.

Dhanka kale, ciyaarta ka hor waxaa jiray walaac la xiriira taageerayaasha PSG oo qorsheynayay inay bartilmaameedsadaan Adrien Rabiot iyo hooyadiis, taasoo keentay in maamulka PSG ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo xaaladda.

Guushan ayaa PSG u dhoweysay hanashada horyaalka Ligue 1, iyadoo kooxda ay sidoo kale ku jirto tartamada kale sida Champions League iyo Coupe de France.


Post a Comment

0 Comments