LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa ku kulmay garoonka Stamford Bridge 3-dii Abriil 2025, halkaas oo Chelsea ay ku adkaatay 1-0. 

 

Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa ku kulmay garoonka Stamford Bridge 3-dii Abriil 2025, halkaas oo Chelsea ay ku adkaatay 1-0. Goolka kaliya ee ciyaarta waxaa qeybta labaad ee ciyaarta madax ku dhaliyay Enzo Fernández, ka dib markii uu ka faa'iideystay karoos uu soo dhigay Cole Palmer.

Intii ay ciyaartu socotay, waxaa jiray gool uu dhaliyay Moisés Caicedo oo laga diiday Chelsea, sababo la xiriira offside lagu helay Levi Colwill ka hor inta uusan goolka dhicin.

Dhanka Tottenham, tababaraha kooxda, Ange Postecoglou, ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, maadaama guuldarradan ay tahay tii afaraad oo xiriir ah ee ay kala kulmaan Chelsea, taasoo ah rikoor cusub oo aan horay uga dhicin taariikhda kooxda.

Guushaan ayaa Chelsea ka caawisay inay dib ugu soo laabato kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, taasoo sare u qaaday rajadooda ah inay u soo baxaan tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.


Post a Comment

0 Comments